BAL TALO KU BIIRI
Bal talo ku biiri.
Magacaygu waa Anne. Waxaan ahay 33 jir haysata ilmo yar oo 7 sanno jira. Waxaan ku noolahay kana shaqeeyaa Nakuru. Ilmahan Aabbihii waxaan kala dhaqaaqney isagoo jira 2 sanno. Aad bey ii dhibaateysey kalataggaasi maxaa yeeley diyaar umaan ahayn in aan noqdo Hooyo ilmo ku kaliyeysata; Laakiin waan aqballey qaddartaas inkastoo ay igu qaadatey waqti in aan cid aamino oo aan wax jeclaado.
Muddo ka dib ayaan is barraney nin wuxuu noqdey mid inankeyga iyo nafteydaba aad u jecel. Si kastaba ha ahaatee laba toddobaad ka hor inankayga yar Aabbihii ayaa i la soo xidhiidhey waxa uu ii sheegey in uu rabo ka warqabka ilmahiisa yar. Waan u sheegey in taageradaa iyo ka war-qabkaasi naftiisa ku eekaadaan maadaama imika aan ku jirno xaalad degennaan ah—hadalkiisaa waxa ku xigtey farriin uu ku sheegey in uu wali i jecelyahay.
Jaha-wareerkaygu wuxu yahay waxaan u haystey in ninkaas aan go’aan ka gaadhey laakiin wali waxa jira dareen aan u qabo. Haddaba arrinku waa laba daran mid dooro: Dooranahayga oo ah ninkan aan is baranay oo si quman u caawiya nafteyda iyo ilmahayga jaceyl na u qaba. Iyo ilmahayga Aabbihii oo isaga qudhiisa aan odhan lahaa in badan baan jecelahay.
Dooranahaygu ( Fiance) waxa uu qorsheynayaa in uu soo booqdo waalidkey dabayaaqada sanadkan. Dhinaca kale inankeyga yar aabbihii waxa uu ballanqaadey haddaan dib ugu midowno nolosha in uu i aroosi doono.
Maxaan sameeyaa? Waan ku dawakhay ciddii aan raaci lahaa labada nin e.
Translated from Standard Digital.
Abdirahman Sabry
Comments
Post a Comment