QOSOL
Wiil yar baa mudo kooban tagay malcaamad Inankii yaraa ayaa Maalintii danbe maqlay Macalinkii quraanka oo leh Qaadka/Jaadku waa Xaaraan. Markii uu guriga kusoo noqday ayuu arkay ridii kaliya ee reerku lahaa caanahana ka Maali jireen oo garaabo cunaysa. Kii yaraana dhagta ayuu dhiiga u daray, Wuu gawracay Aabihii ayaa markuu fiidkii gurigii yimi waydiiyey inankii yaraa Aabe Maxaad Ri’da ugawracday? Wuxu yidhi kii yaraa aabe ridu garaabo ayay cuntay markaa caanaheeda ayaa xaaraan ah. Wuxu waydiiyey oo aabe quraanka halkaad ka gaadhay? Kii yaraa ayaa usheegay inuu Cabasa marayo Odaygii ayaa ku yidhi aabe Jooji. Halkaa ku Jooji. waayo quraanka aad Cabasa Ri’da ku gawracday Camana Dadkaa Xigi.