WAA QISO RABANII AH

 Anfariirka Xayawaanka Badda Maddoow!


Octopus( siddeed gacan leh) waa xayawaan baddeed ku nool salka hoose ee badda, waxa ayna leedahay dhiig midabkiisu yahay buluug, sagaal maskaxood iyo saddex wadne!


Ujeedka Eebbe (SWT) u uumay qaabdhiskeedan fajaca leh, maxaad ka ogtahay? Sideese u shaqeeyaan xubnahan xeeladaysan ee xayawaankan loo xambaarshay?


1. Dhiigeeda leh midabka buluuga ah:

 

Octupus waxay leedahay dhiig buluuga ah, waxaana u saamaxay booratiinka looyaqaano( haemocyanin) si ka geddisan noolaha kale oo dhan, waxaa uraaca madadda Coobber oo dhiigeeda wareejisa halkii ay ka lahaan lahayd maaddada birta (iron).


2. Sagaal maskaxood:


Waxay leedahay siddeed gamcood oo gacan waliba xoogeeda iyo xeeladeeda leedahay (8 tentacles). Maskaxahan dhowrka ah ayaa ku hoos jira/ samaysan siddeeda gacmood ee xayawankan fajaca leh. Gacan waliba waxa ay leedahay maskax yar (mini brain) u gaar ah. Ta sagaalaad ayaa ah maskaxda dhexe (central brain) ee dhex qotonta madax la moodka mucjisaddan. 


3. Saddex wadne:


Wadnaha kowaad dhiiga ayuu jidhka kuwareejiyaa halka labbada kale dhiiga u butaaciyaan waafyaha (gills pump) si ay hawadda u soo dabaan. Wadnayaal wadda shaqeeya oo istaageera ayaa Eebe ku taageeray fajac baddeedkan.


Ku cibro qaadasho ayaa inoogu sugan fajac baddeedkan!


"Intaa la ga ogyahay cilmiga barashada noolaha badda(Marine Biology) ayaa ah mid kooban oo ceedhiin"

Comments

Popular posts from this blog

BAL TALO KU BIIRI

KAFTANKII ROBERT MUGABE