KAFTANKII ROBERT MUGABE

 Qayb ka mida KAFTANKII ROBERT MUGABE. 


1-Gabadh kaa dheer hadaad doonto inaad shukaansato waa sidii adoo doonaya inaad tuushka biyo ka cabto.


2-haddii aad aragto lamaane afrikaan ah oo xaafada horteeda ku laydhsanaya ha u malaynin jacayl ee korontadii ayaa ka tagtay.


3-haddiiba aad aragto nin xaaskiisa markay dagayso daaqada ka furaya kama aha jacayl ee gaadhigaa cusub ama gabadha.


4-haddii la xidho meheradaa lagu gado make upka caruur badan ayaan waalidkood aqoonsadeen.


5-wiilka aad saaxiibka tihiin marka aad tusayso gabdhaha aad la sheekaysato waa sidii adigoo hilib siinaya waraabe.


6-waalidka afrikaanku waa kuwa intay ku dhangadeeyaan hadana ku weydiinaya sababta aad la ooyayso.


7-aynu runta isu sheegnee marka la leeyay nin kasta oo guul gaadha gabadh ayaa ka dambaysa maaha ta lala sheekayto ee waa hooyadii.


8-wiilasha afrikaan ku jacaylka waxba kama yaqaanaan mid bay xaaskiisu barkin kusoo tuuraysaa markaasuu isna mindi ku eryanayaa.


9-afrika waa meesha qudha ee wiil san weyni gabadh ku odhanayo la'aantaa ma neefsan karo.


10-dadka kubada daawadaa waa dad qossol ah, waxaad arkaysaa mid leh ciyaartoy baanu kusoo iibsanay intaasoo milyan isagoo xataa wuxuu ku casheeyo aan haysan.


11-haddii daanyeeradu maal qabeen ahaan lahaayeen waxa la arki lahaa gabdho badan oo duur joog ah.


12-gabadh kastaa waxay leeday laba nin oo ay la sheekaysato midi waaka ay jeceshay midna waa cashier-keeda ama ATM-keeda ay lacagta ka shubato.


13-gabadha aad u dirto saddex dollar ee hadana isla markiiba miss call-ka kugu soo gasha guurso waa gabadh taqaana dhaqaalaynta lacagtee.


14-dhibaatooyinka afrikaan waxa ka muda; haddii la yidhaa qofna dibeda uma soo bixi karo oo waa bandoo, qof walbaa wuu soo baxayaa bal si uu u eego inay cidi soo baxday.


15-waan iska dhaafay daawashada aflaamta afrikaan ku matalaan, markaan arkay gabadh afrikaana oo ninkeeda cuntada ugu daraysa sun hadana dhadhaminaysa bal inuu sun leeyay


16-Inaad foolxumaato dhibaatooyinka ay leeday waxa ka mida; haddii nin qurux badan oo kula jooga dhuuso ka baxsato dadkoo dhami aday kusoo wada eegayaan.


17-Haddii aad guursato gabadh saaxiib nagala ah facebook dhammaantaano waxaad noo tahay seedi.


18-Dalalka faqiirka ahi waa kuwa ay ugu dhaadheer yihiin heesahooda qaranku waayo waxay ku sharaxayaan dhibaatooyinka haysta.


19-waxyaabaha aan guurka ku nacay waxa ka Mida; adigoo saq dhexe hurda ayaa lagu odhanayaa mas ayaa guriga soo galay ee kac oo dil adoo xataa jiirka ka baqa.


20-Waalidka afrikaanku waa kuwa ku odhanaya kac oo qaad weelkay wax ku cuneen oo gee jikada, hadana ku bada soconaya si ay jikada uga soo faraxashaan.


21-Hablaha gaagaaban ee iyagoo kalyaha is haya sawirada galaya waxaan leeyahy  joojiya, markaan idin arko waxaan soo xasuustaa bakeeriga shaaha ee dhagta lehe.


22-Afrika waa meesha qudha ee sidaad shaqo u raadinayso ay shaqo raadintu noqonayso shaqadaada.


23-Qof dhiirrigaliye ah hadaad ku tidhahdo sideen ku guuleysan karaa wuxuu ku odhanayaa, " ugu horayn naftaada hel" 

Tolow walaal xageen ku dhuumanayay?


24-Markay afrikaan ku lacag yeeshaan waxay caafimaad u aadaan jarmalka. Waxay lacagta dhigtaan iswiisarlaan, waxay u dalxiis tagaan kanada, haddii ay dhintaana waxay doonayaan in dhulkoodii hooyo lagu aaso, afrika ma qubuuraa markaa?


25- Afrika markaad joogto uma baahnid inaad saacada jaraskeeda ku xidhato si ay kuu toosiso, mushkiladahaaga ayaa ku kicinayaba.


27-Walaalkayow ha guursan gabadh carmal ah oo cunug wadata, lama arag ciyaar gool iyo eber ku bilaabmatee


Numberka Aad Ka Heshay Waa Kee ?

Comments

Popular posts from this blog

BAL TALO KU BIIRI

WAA QISO RABANII AH