QISO CAJIIB AH

 Nin aad u kibir badan ayaa maalin suuqa dhex marayey isaga oo aad isu qaadqaadaya. Wuxuu arkay gabadh miskiin ah oo subag iibinaysa waxaana uu ku yidhi:-Gabadh yahay iga iibi xoogaa subag ah.


Intii ay gabadhii miskiinta ahayd subagii kala shubaysay ayaa ay si aan ku talo gal ahayn dhibco subag ahi ugu duuleen surwaalkiisii.

Ninkii kibirka badnaa aad ayuu u cadhooday wuxuuna gabadhii ku yidhi "Halkan kama dhaqaaqaysid ilaa aad isiisid surwaalka lacagtiisa. Gabadhii way raalli gelisay maadama aysan ula jeedin, balse ninkii wuxu ballan ku qaaday inuu dadka dhexdooda ku fadeexayn doono haddii ay bixin waydo lacagtii surwaalka.

Ugu danbayn waxay ogalaatay inay lacag ugu magto surwaalkii. Waxay waydiisay qiimaha surwaalka, wuxuuna u sheegay in ay bixiso lacag aan ka yarayn 100 dollar.


Gabadhi miskiinta ahayd ayaa ku calaacashay in aysan lacagta intaas le'eg helayn ninkiina aad ayuu ugasii cadhooday wuxuuna ku qaylinayey "Waan Ku Fadeexadayn doonaa haddadan lacagtaas i siinnin".


Qayladii ayaa soo leexisay wiil dhallin yaro ah oo wadada marayey, wuxuna gabadhi miskiinta ahayd weydiiyay waxa jira, iyana qisada oo dhan ayay u sheegtay iyo sida ay wax u jiraan.

Wiilkii wuxuu jeebka kasoo saaray 100 dollar wuxuna siiyey ninkii gabadha qaannabayey, kibir badnihii wuu iska dhaqaaqay.


Wiilkii :- xagee ku socotaa?


Ninkii :- madama aad lacagtaydi i siiseen waan iska tegeyee.


Wiilkii:- Surwaalka lacagtiisii ayaan ku siinnay, adiguna waa inaad surwaalka na siisaa.


Ninkii :- halkan kuma bixin karo, waa qaawanaan, ma inaad i fadexadayso ayaad rabtaa.


Wiilkii : waxba nagama gelin.


Ninkii :- 100-kiinna dollar ayaan idiin celinayaa, surwalkaygana wasakhdisa ayaan ku qaadanayaa.


Wiilkii : adiga ayaa 100$ naga siiyey surwaalka, lkn annaga qiimahayaga annaaga goynayna, halkan kama dhaqaaqaysid ilaa aad bixiso 200 oo dollar ama dadka dhexdooda ayaan kugu qaawin doonaa kuguna fadeexadayn doonaa.


Ninkii kibirka badnaa:- waa xaaraan middaasi?

W. Dhallin yarada ahaa:- xalaal miyaad taqannay markaad miskiinta 100 ka qaadaysay?


Ninkii kibirka badnaa isaga oo dullaysan ayuu $200 bixiyey, wiilkiina 100-kisii dollar ayuu la noqday boqolkii kalena wuxu hadyad ahaan u siiyey gabadhii miskiinya ahayd.


"Wiilkii is waalaba wiil waabiyaa hela"


#SiiFaafi.

Comments

Popular posts from this blog

BAL TALO KU BIIRI

WAA QISO RABANII AH

KAFTANKII ROBERT MUGABE